Ruushka oo duqeymo Culus ka fuliyay Magaalooyin ka tirsan Ukraine

Ruushka oo duqeymo Culus ka fuliyay Magaalooyin ka tirsan UkrainDawladda Ruushka ayaa Axaddii maanta weerar cusub oo dhinaca gantaallada ah ku qaadday labada magaalo ee ugu waaweyn dalka Ukraine; waa magaalada Kyiv ee xarunta dalka iyo magaalada kale ee Kharkiv. Weerarkan ayaa dhacay iyada oo xitaa ay dalalka ku jira ururka G7 ay wadahadal ku lahaayeen Bavarain Alps si ay iskula meel dhigaan sidii ay Ruushka u sii go’doomin lahaayeen.

Duqa magaalada Kyiv, Vitali Klitschko ayaa sheegay in ugu yaraan labo dhisme oo ah kuwa la deggan yahay la duqeeyey, halkaas oo ugu yaraan hal qofi uu ku dhintay, afar kalena ay ku dhaawacantay.

Ruushka ay xoojiyey adeegsigiisa gantaalada cruise-ka, isaga oo beegsanaya ilaa woqooyi-galbeed Ukraine. Qalabka digniinta ayaa ka dhawaaqay dhowr magaalo.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo arrintan ka hadlayey ayaa yiri “Waa wuxuushnimadoodii oo sii korodhay.”

Weerarka Ruushka ee Ukraine ayaa ah arrinta ugu weyn ee shir-madaxeedka dalalka G7 culeyska lagu saarayo. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Sabtidii shalay sheegay in shirka uu Isniinta ka qeyb gali doono.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor