Maamulka Garasbaaley oo Baaq Deg-deg ah soo saaray

Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa hay’adaha deeqaha bixiya, maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka si deg deg ah uga codsaday inay gurmad la soo gaaraan barakacayaasha ka soo cararay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye Garyare ayaa hadalkan ka sheegay mar uu booqday barakacayaal tiro ahaan ku dhaw 200 qoys oo ka soo hayaamay fatahaada wabiga Shabeelle ee degmada Afgooye.

Guddoomiyaha oo booqashada uu ku wehlinayay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Garasbaaley Muxudiin Axmed Yuusuf ayaa dadka ugu daran ee soo barakacay jeebkiisa ka siiyay qoondo lacag ah oo ay ku iibsadaan cunto ay nafta ku ceshtaan iyo baco ay roobka ka galaan.

Garasbaaley ayaa martigelisay barakacayaasha ugu badan ee soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka soo cararay colaadaha iyo abaarta ka jirta gobolada qaar ee dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media