Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Islaamka ee magaalladda Pittsburgh ee dalka Maraykanka, Waasi Maxamed ayaa sheegay in Dareewal Somali ah oo la oran jirey Ramadaan Maxamed oo 31 jir ah u geeriyooday dhaawacyo ay u geysteen Burcad Maraykanka, kuwaasi oo ka dhacay Kharajkii uu jeebka ku watay.
Dareewalkaasi ayaa la sheegay inuu xalay u geeriyooday dhaawacyo ay u geysteen 4 nin, kuwaasi oo ay Boliska qabteen.
Marxuumka ayaa la sheegay inuu Aabe leh wiil 2-jir ah iyo Xaas uur bilood leh, taasi oo ku nool Kenya.
Dhinaca kale, Maxkamadda waxay dilkaasi u soo xirtay 2 nin oo Maraykan ah oo lagu kala magacaabo King Edwards iyo Hosea Moore, kuwaasi oo da’doodu tahay 20-jir.
Boliska waxay kaloo doonayaan in la soo xiro 2 kale oo lagu magacaabo Daniel Russell, oo 19-jir ah iyo Christen Glenn oo 18-jir ah.
Boliska waxay ka soo xigteen Qof Markhaati an oo aan la magacaabin inuu u sheegay Baarayaasha inay 4-ta Eedeysane joogeen guri ku yaalla Wadada Curtin Street, markii ay ku tashadeen inay dhaceen Dareewalka Taksiga.
©Radio Dalsan