Mahdi Xuseen Furreh oo 34 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi 2 sanno ah, kadib, markii la sheegay inuu Saraakiisha FBI-da war been siiyey muddadii ay ku jireen baaritaalka Dhallinyaro Somali ah oo ka soo ambabaxay Maraykanka, kuna biiray Xarakadda Alshabaab.
Mahdi Xuseen Furreh waxaa kaloo lagu xukumay 3-sanno oo ilaalo lagu haynayo, wuxuuna qirtay inuu Saraakiisha FBI-da war been ah ka siiyey bishii October ee sannadkii 2014-kii muddadii ay socotay Baaritaanka Dowladda ee ku aadanaa inuu la xiriiray Nin kale oo lagu eedeeyey inay Dhallinyarada ku dhiiri-geliyey inay ku biiraan Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.
Tan iyo sannadkii 2007-dii, 22 dhallinyaro Somali ayaa ka soo ambabaxay Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka, kuna biiray Xarakadda Alshabaab, sida lagu sheegay Warbixinta Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka.
©Radio Dalsan