Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Hawlaha Samafalka, Stephen O’Brien ayaa la filayaa inay berrito u bilaabanto Socdaal uu ku soo kala bixin doono dalalka Yemen, Somali iyo Kenya.
Afhayeenka Hay’adda UNHCR, Stephane Dujarric ayaa sheegay in booqashadda Kaaliyaha qaadan doonto muddo isbuuc ah, isagoo u kuur-geli doona dadka ay sida xun u dhibaataysay Macluusha iyo Abaaraha ee u baahan Taageeradda Aadminimo.
Waxa uu tilmaamay in ay 3-daasi ah kula kulmi doono dadka ay saamaysay dhibaatadda abaaraha iyo macluusha ka taagan dalalkaasi.
“Malaayiin qof oo ku nool Somalia iyo Yeman ayaa waxaa soo food saari doonta Khatar dhab ah oo Macluusha ah 6-da bilood ee soo socota” ayuu yiri Afhayeenka Hay’adda UNHCR, Stephane Dujarric.
Dalka Somalia, ku-dhawaad 3 million o oqof ayaa u baahan gargaar cunto oo degdeg ah ayuu yiri Afhayeenka, wuxuuna dhanka kale sheegay inay dalka Yemen ku dhibaataysan yihiin in ka badan 7 million oo qof, iyadoo ay 46,000 oo carruurna soo wajahday nafaqo-darrop baahsan.
Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Hawlaha Samafalka, Stephen O’Brien waxa uu Kulamo la qaadan doonaa Hay’addaha daneeya Hawlaha Samafalka ee ku sugan gudaha dalalka Somalia, Yemen iyo Kenya.
©Radio Dalsan