Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud oo warraysi gaar ah siiyay BBC Somali ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen Turkiga in ayna iman karin xeebaha Somaliland.
Waxaa uu sheegay Wasiirku in Somaliland ay xeebaheeda u taliso, aysana jirin walaac ah oo ay ka qabaan, heshiiska ay wada gaareen dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Dowladda dalka Turkiga.
“Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso – Soomaaliyana ayna u talin. Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro,” ayuu yidhi wasiirka isaga oo ay BBC du waxka weydiisay sida uu u arko heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa yimid kadi Is-af-garadkii muranka badan dhaliyay ee ay bishii koowaad ee sanadkaan maalintiisii koobaad ay wada galeen dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland, kaas oo dhigaayay in Somaliland aqoonsi buuxa ka hesho Itoobiya halka dowladda dhexe ee Itoobiyana laga kireynayo saldhig ciidamo badeed oo ay ku yeelanayso gudaha Somaliland.