Kulanka 68-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Urur-gobaleedka IGAD ayaa la filayaa inuu maanta oo Arbaco ah ka furmo caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
Shirkaasi oo ay ka qeyb geli doonaan Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee 7-da waddan ee xubnaha ka ah IGAD ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa xaalladaha haatan ka taagan dalalka Suudan iyo Koonfurta Suudaan
Dhinaca kale, Golaha Fulinta ee Ururka Midowga Afrika ee AU-da ayaa la filayaa inay maalinta Khamiista ee soo socota Kulan ku yeeshaan magaalladda Addis Abeba, oo ay kaga xaajoon doonaan xaalladihii siyaasdeed ee ugu dambeeyey ee dalka Suudaan.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ee PSC waxa uu bilowgii bishan June hakiyeen xubinimadii Dowladda Suudaan ee dhamaan Dhaqdhaqaaqyadda Ururka Midowga Afrika eeAU.
Hakintaasi waxay dhaqan-gal sii ahaan ahaan doontaa tan iyo inta dalkaasi laga dhisayo Dowlad Ku-meel-gaar ay Rayidka hoggaamiyaan.