Dowladda Somalia oo war ka soo saartay Doorashada Galmudug kuna baaqday Shir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Madaxda dowlad Gobleedka Galmudug ugu baaqday in Doorashooyinka lagu qabto muddadii loo asteeyay si loo xaqiijiyo hanaan doorasho oo hufan.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku baaqday Shir dib u heshiisiineed,kaasi oo ay iusgu imaanayaan dhammaan waxgaradka iyo hogaanka dhaqanka Galmudug,isla markaana lagu xaliyo arrimaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media