Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 19-ka Bisha June 2019,waxaa lagu wadaa in kulan ay ku yeeshaan Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xalay ayaa waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka lagu wargeliyay in Maanta uu jiro kulan,isla markaana looga baahan yahay inay ka soo qeyb galaan kulankaas si aysan u dhicin in uu kooran la’aan u baaqdo.
Ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta 3-aad hindise sharciyeedka maamulka maaliyadda.
Isniintii la soo dhaafa ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa ay siweyn uga doodeen wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka iyo qeybinta sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa.