Shirweynaha 47-aad ee Arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Waddamada Carabta ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Magaalada Qaahida ee Caasimadda dalka Masar.
Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa xal u helida shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta waddamada Jaamacadda Carabta, furadaha shaqo, Horumarinta Shaqaalaha iyo saameynta COVID-19.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha 47-aad ee Arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Waddamada Carabta ee Maanta furmaya.
Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa shirkan ku tilmaamay inuu albaab cusub u furayo sidii ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya iskaashiga wanaagsan ula yeelan lahayd wasaaradaha dhiggeeda ah ee Jaamacadda Carabta.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka Safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa kulamo doceed la yeelan doona wasiirrada dhigiisa ah ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo Saraakiisha Jaamacadda Carabta.