Wicitaanka Mobaylada ee app Viber ayaa noqotay Shirkaddii ugu dambaysay ee Taageero siinaysa dadka ay dhibaatadda ka soo gaartay Amarka Donald Trump ee uu ku xayiray Safarkii lagu tegi jirey Maraykanka.
Shirkadda Viber waxay saakayto ku dhawaaqday inay lacag la’aan ka dhigtay Wicitaanka Viberka ee Mobaylada iyo Talefoonka Laynka ee dalalka laga xayiray Safarka iyo Maraykanka.
Dalalka lacag la’aanta Viberka looga wici karo Mobaylada iyo Laynka waxaa ka mid ah Somalia, Sudan, Syria, Libya, Yemen, Iraq iyo Iran.
Sidaas si la mid ah Wicitaanka Viberka ee Apps-ka kale iyo Wicitaanka Tooska ee Macaamiisha Viber-ka had iyo jeer waa Lacag La’aan.
Balse, Wicitaanka Laynka ama Mobaylka ee isticmaalka Adeega Via the “Viber Out” waxa uu kuugu kacayaa Kharaj haddaad isticmaasho.
Viber waxay si degdeg ah ugu taageertay Wicitaan Lacag La’aan ah Goballadda ay dhibaataysay Xayiraadda Socdaalka ee Donald Trump ku soo rogay 7 dal oo Muslimiin ah.
©Radio Dalsan