Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland ayaa sheegay inay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qabten gaari ay saaranyihiin waxyaabaha qarxa oo ay  tilmaameen in lala maaganaa meelo ka mid ah  Boosaaso.
Taliyaha madaxtooyada Puntland Cabdirashiid Cabdiraxiin oo ka hadlay walxaha qarax ay qabteen ciidamada ayaa sheegay in lagu soo diyaariyey Foostooyin waa weyn, hayeeshee ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen ka hor qaraxyadaasi inta aan la fulin.
Sidookale taliyaha waxaa uu tilmaamay in la qabtay ilaa 5 nin iyo gaarigii siday qaraxyadaas oo ay hada ku jiraan gacanta dowlad goboleedka Puntland.
Maalmihii aanu soo dhaafnay ciidamada amaanka Puntland ayaa howlgallo ballaaran ka waday deegaanada maamulka, iyadoo 24-tankii saac ee la soo dhaafay baaritaano xoogan ciidamadu ka sameeyeen Boosaaso, kuna soo qabteen walxha qarxa oo ay saraakiishu sheegeen in la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka Puntland.
Halkaan hoose ka Daawo Sawirrada: