Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sheekh Shariif Sh Axmed oo Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib Safarkii Baladweyne ayaa waxaa uu ka hadlay xayiraadii Maanta lagu saaray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Sheekh Shariif oo Shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu eedeeyn kulul u jeeday Madaxda dowladda Federaalka, isagoona sheegay in dowladda ay wado dulmi iyo xadgudub waa sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa dowladda uga digay tallaabooyinka ay qaadeyso, wuxuuna ku daartay in Magaalada laga saarayo madaxda haatan talada dalka heysa hadii aysan joojin sida hada ay wax u wadaan.
“Magaaladaan Mooryaan baa heysan-jirtay waa la bixiyey, Ethiopian baa soo galay waa la bixiyey, Shabaab ayaa qabsaday waa laga bixiyey dadkaan ma kuwaa bay ka xoog badanyihiin, Wallaahi Summa Wallaahi haddaysan dulmiga joojin waa bixineynaa anagu Mooryaannimo ma ogolin” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Si kastaba hadalka Sheekh Shariif ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Maanta Garoonka Aadan Cadde lagu xayiray diyaarad ay Baladweyne u raaci lahaayeen Xasan Sheekh iyo Shariif Sh Axmed oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran, wallow markii dambe loo fasaxay safarkii Magaalada Baladweyne.