Senator Xuseen Sheekh oo sheegay in Xildhibaan Boqore todobaad ka hor laga kaxaystay Ilaaladiisa

Kadib markii shalay kooxo hubeysnaa Bastoolado ay Degmada Kaaraan ku dileen Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ayaa waxaa dilkiisa ka hadlay Sanotar ka tirsan Aqalka sare ee dalka.

Sanotar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore,waxaana uu sheegay in dhawaan ay kulmeen,isagoona xusay in  xiligaas Marxuumka uu ka walaacsanaa Amnigiisa.

Sidoo kale Sanotar Xuseen Kheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaanka Boqore uu u sheegay in Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen Ciidamadii ilaalada u ahaa,isla markaana uu walaaac ka qabo amnigiisa.

War qoraal ah oo Bogiisa Facebook uu soo dhigay Sanotar Xuseen Kheekh oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa u qornaa sidan .

“Aad iyo aad ayaan uga naxay geerida Xildhibaanka oo aan iska tirsaneyn Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka.Xildhibaanka oo aan kulanay dhowr asbuuc ka hor ayaa wuxuu ka walaacsanaa Amnigiisa gaar ka ah maadaama Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen ciidamadii ilaalada u ahayd sida uu ii sheegey”

Allaha u naxariistee Dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ahaana Ninkii ugu da’da weynaa Xildhibaanada ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media