Diyaarado dagaal oo Duqeyn ka fuliyay Gobolka Sh/hoose

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn xalay saqdii dhexe ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in laga fuliyay deegaanka lagu magacaabo Kuunya-barrow Jannaale oo ka tirsan Gobolka Shabeeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dad deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in xalay maqlayeen dhawaqa jug culus,sidoo kalena Guuxa Diyaaradaha oo dulmaraya Hawada laga maqlay deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay duqeyntii xalay laga fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose,mana jirto weli cid si rasmi ah uga hadashay duqeyntaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media