DEG DEG:-Dil Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

War Goordhow naga soo gaaray Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in halkaasi lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dilkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay inta u dhaxaysa Asluubta iyo Xero Maslax ee Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho,isla marrkaana loo geystay Askariga ka tirsnaa Ciidanka dowlada oo xiliga la dilayay watay Mooto sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta ka baxasdeen,iyagoo aan la ogeyn waxa ay ahaayeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlada oo ku sugnaa Nawaaxiga uu dilka ka dhacay ayaa tegay goobta,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka Askariga la dilay,waxaana ay sameeyay baaritaano aan wax natiijo ka soo bixin.

Inta badan Magaalada Muqdisaho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal kala duwan oo ay geystaan ragga ku hubeysan Bastooladaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media