Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay kulankoodii cadiga ahaa ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa ahaa Hindise Sharciyeedka Biyaha oo uu Xildhibaanada horgeeyay Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow.
Dood dheer kadib xildhibaanada ayaa cod u qaaday Sharciga Biyaha iyo korontada iyaga oo intaas ka dib ansixiyay.
147 Xildhibaan ayaa ogolaatay meelmarinta Sharcigaan 3 waa ay diiday mana jirin xildhibaan ka aamusay, Gudoonka Golaha ayaana ku dhawaaqay in Sharcigaan uu ansax yahay.
Saalim Caliyow Ibrow Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Korontada Soomaaliya ayaa Xildhibaanada uga madceliyay ansixinta Sharcigaan.
Hoos Ka Daawo Sawirrada kana Dhageyso Codka