Ciidamo Millateri ah oo baaritaano ka bilaabay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa Maanta ay howlgallo baaritaano ah ka bilaabeen Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa la arkayey,iyaga oo baaritaano ku sameynaya Gawaarida yar yar iyo kuwa Waaweyn ee isticmaalaya Wadooyinka Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa Warar aan helnay waxa ay sheegayaan in ciidamadaas ay ka tirsan yihiin Guutada 14-ka Octoober ee la xareeyey markii uu dhacay qarixii khasaaraha badan dhaliyay ee 14kii Bishii Octoober Sanadkii tegay ee 2017 isgoyska Zoobe ee Magalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa baaraya Gaadiidka,iyaga oo safdheer gelinaya xataa Mootooyinka Bajaajta waa ay baarayaan,haa waa ciidamo Millateri ah dhowr meel ayaan kusoo arkay,wax dhibaato ah mageysaneyn ayuu yiri qof soo marey dhowr goobood oo ciidamadu baaritaanada ka wadaan.

Dhawaan ayaa waxaa Magalada Muqdisho laga qaaday Wadooyinkeeda Ciidamada xasilinta oo howlgallo baaritaano ah ka sameyn jirey ka dib cabasho ka timid Shacabka,waxana haatan lagu wareejiyey Ciidamo Milateri ah.

Sidoo kale ciidamada Millateriga ayaa waxa ay ku sugan yihiin Koontoroolada laga soo galo Magalada Muqdisho, sida Ex-koontorool Afgooye, Xerada Maslaxa iyo goobo kale halka howlgallo haatan ay ka bilaabeen Gudaha Magalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor