Booliska dalka Mareykanka oo ku wareersan cidda dishay dhallinyaro Muslimiin ah

Dilka saddex nin oo Muslim ah, oo ka dhacay magaalada ugu weyn ee gobolka New Mexico, ayaa loo badinayaa iney xiriir leeyihiin, iyadoo u muuqda in loo bartilmaameed saday diintooda iyo midabkooda awgood, sida ay sheegeen Booliiska

Labo xubnood oo ku sugnaa xiligaasi masjid, ayaa la toogtay tobankii maalmood ee u danbeysay, iyadoo ay jirto dareen xoogan oo tilmaamaya in dilkan uu la xiriiro dil horey u dhacay bishii November, kaasoo loo geystay soo galooti u dhashey Afghanistan, sida uu sheegay sarkaal katirsan booliiska magaalada.

Dhammaan saddexda xaaladood ee dadkan la dilay, ayaa waxaa loo toogtay si gaadmo ah, iyadoo la dilay digniin la’aan, sida ay sheegeen booliiska.

“Waxaa jira hal wax oo ay wadaagaan, taasoo ah diinta iyo midabka,” sidaasi waxaa sheegay taliye kuxigeenka booliiska magaalada Albuquerque, Kyle Hartsock, oo shir jaraa’id qabtay Khamiistii, oo uu soo gudbiyey wargeyska Santa Fe New Mexico.

Maxamed Afzaal Xuseen, oo 27 sano jir ah, oo ahaa aggaasimaha qorsheynta ee magaalada Espanola, kagana yimid dalka Mareykanka dhanka iyo Pakistan, ayaa Isniintii lagu toogtay bannaanka hore ee dhismihiisa magaalada Albuquerque, sida ay booliisku sheegeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor