Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan gaar ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ee Dalka Talyaaniga Emanuela Del Re.
Emanuela Del Re ayaa Muqdisho u timid si ay uga qeyb gasho xafladda qalin baddalashada dufcaddii 20-aad guud ahaan iyo 1-aad burburkii dalka keddib ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Maanta la qabtay.
Kulanka u dhexeeyay Wasiir Goodax Barre iyo Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga dalka Talyaaniga ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka waxbarasho ee ka dhexeeya Talyaani iyo Soomaaliya iyo in dib loo soo celiyo heshiisyadii hore ee waxbarashada khuseeyay.
“Waxaan sidoo kale kawada hadalnay Emanuela Del Re in ay kaalin ka qaataan dib-u-dhiska Guddiga Tacliinta Sare iyo in ay xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadaha dalka Talyaaniga”ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.
Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu qabtay xafladda qalin baddalashada dufcaddii 20-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed,isla markaana waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.