Sawirro:-Shilal ay dad badan ku geeriyoodeen oo ka dhacay 3 Dal

Caasimadda dalka Uganda waxaa ka dhacay shil gaari oo ay ku geeriyoodeen 4 qof oo shisheeye ah, sida laga soo xigtay Afhayeenka Boliska magaalladda Kampala, Luke Owoyesigyire.

Afarta shaqaale ee geeriyootay waxaa la sheegay inay saddex ka mid ah ka soo jeedaan dalka Shiinaha, halka qofka 4-aad oo ahaa Dareewalka gaariga  ka soo jeedo dal ku yaalla Qaaradda Asia oo aan la shaacinin.Wararki waxay sheegayaan inuu Dareewalka si xawli ah u kaxaynayey gaariga oo noociisa ahaa NOAH, kadibna uu ku dhacay geed weyn oo ku dhinac yallaa wadada Yusuf Lule road ee magaalladda Kampala.

Maydadka afarta qof ee ku geeriyootay shilkaasi waaxa la dhigay Qaboojiyaha Maydadka ee Isbitaalka Mulago Hospital oo ku yaalla Kampala.

Maydadka afarta qof ee ku geeriyootay shilkaasi waaxa la dhigay Qaboojiyaha Maydadka ee Isbitaalka Mulago Hospital oo ku yaalla Kampala.

Dalka Kaamiruun waxaa isagana la soo weriyey inay 22 qof geeriyootay dhowr kalena ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta Degmooyinka Batiye iyo Baham ee Galbeedka dalkaasi.

Dadka geeriyooday waxay la socdeen Bas ku dhacay gaari Xamuul, sida laga soo xigtay Guddoomiyaha Gobalkaasi,Augustine Awa Foka.

19 qof isla goobta ayey ku geeriyoodeen, halka saddexda kalena ku naf baxeen Isbitaalka, xilli ay Dhakhaatiirta ku hawlanayaan inay samata-bixiyaan.

Boliska dalkaasi waxay sheegeen in laga cabsi qabo inay tirada dhimashadda korodho, sababo la xiriira maydad weli ku hoos jiraan burburka Baska.

Haddaynu eegno dalka Bangaladesh, ugu yaraan 5 qof ayaa geeriyootay, ku-dhawaad 100 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu Tareen xalay ku qalibmay Deegaanka Kalauraoo 300 KM u jirta caasimadda dalkaasi ee Dhaka.

Tareenkaasi waxa uu isaga kala gooshayey caasimadda dalkaasi iyo magaalladda Saylhet.

Tareenka oo lagu magacaabo Upaban Express ayaa la sheegay inuu ku dhacay Kanaal ku hoos yaalla Buundo uu marayey, iyadoo 4 ka mid ah rimooradda uu jiidayey ay ku dhaceen Kanaalka.

Saraakiisha waxay sheegeen in qeyb ka mid ah Buundada ay burburtay, xilligii uu Tareenku marayey buundadaasi, taasi waxay keentay shil xun.

21 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ayaa la sheegay inay xaalladodoa aad u liidato, waxaana loo qaaday Isbitaal ku yaalla DegmaddaSaylhet.

Dhamaan Adeegyadii Tareenadda ee isaga kala gooshi jirey caasimadda dalkaasi ee Dhaka  iyo Goballadda W/Galbeed waxaa la sheegay in loo joojiyey shilkaas awgiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media