Xilli aad u calawsan yahay Xiriirkii Kenya iyo Somalia, lana hakiyey Duullimaadyadii tooska ahaa ee magaallooyinka Nairobi iyo Muqdisho ayaa waxay Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways sheegtay inay rajeynayaan inay Hargeysa noqon doonto bar-tilmaameedkooda xiga ee Mandiqadda Geeska Afrika.
Taasi waxay kordhin doontaa xiriirka Ganacsiga ee Kenya iyo Maamulka Somaliland, sidamaanta lagu soo daabacay Shabakadda Wararka busiweek.com ee ka faalloota Arrimaha Ganacsiga.
Shirkadda Kenya Airways oo ay Dowladda Kenya leedahay waxay mar hore daraasaad suurto-galnimo ah ku samaysay Duulliimaadyadda ay ku tegi doonto magaalladda Hargeysa, iyadoo Barlamaanka dalkaasi fasax u siiyey inay u duuli karto Hargeysa, inkastoo aysan arrintaasi weli dhicin.
Muwaadiniin Kenyan oo lagu qiyaasay 15,000 oo qof ayaa ku nool, kana shaqeysa gudaha Maamulka Somaliland.
Agaasimaha Maareynta ee Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee Maamulka Somaliland, Cabdi Maxamed Rodal waxa uu dhawaan booqday caasimadda Kenya ee Nairobi, iyagoo Madaxda dalkaasi kala hadlay sidii ay Shirkadda Kenya Airways u bilaabi lahayd Duullimaad ay ku tagto Hargeysa.
Dhinaca kale, Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines waxay isbuucii 2 jeer isaga kala gooshta magaallooyinka Addis Abeba iyo Hargeysa, halka Shirkadda kale ee Fly Dubai ay isaga kala gooshto magaallooyinka Dubai iyo Hargeysa.
Bishii la soo dhaafay, Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya waxay u magacowday Philip Mundia Githora Madaxa Xafiiska Hawlgalka Diplomaasiyadeed Kenya ka furanayso magaalladda Hargeysa.
Dowladaha Ethiopia iyo Jabuuti waxay horey Qunsuliyado uga furteen magaalladda Hargeysa ee Maamulka Somaliland.