Wasiiru Dowlaha Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa maanta magaalada Muqdisho Kullan kula qaatay Safiirka Cusub ee dalka ruushka Mikhail Golovanov labada masuul ayaa kawada hadlay xiirirrka Soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo ruusha.
Kullanka ayaa sidookale waxa ay ugu hadleen iskaa shiga Horumarinta waxbarashada Labadal.
Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada iyo Safiirka dalka Ruusha ayaa ku dheeraaday ka hadalka deeqaha waxbarasho dalkana Soomaaliya uu ka helo dalka ruusha.
“Waxaan Maanta magaalada Muqdisho kullan kula qaatay Safiirka Cusub dalka Ruushka Mikhail Golovanov Soo dhaweyn kadib waxaan kawada hadalnay xiiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeyo labada wadan.
Sidoo kale waxaan kawada hadalnay Xoojinta iskaa shiga waxbarashada labada wadan, Mikhail Golovanov waxa uu ii balan qaaday in uu wasaaradda waxbarashada kala shaqeyn doono kordhinta deeqaha waxbarasho ee dalka ruushka uu siiyo Soomaaliya.