Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Nin hubeysnaa Bastoolad oo Maanta Gudaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda.
Goobjoogayaal ah la hadlay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dilkan uu ka dhacay Xaafadda Siisii ee Degmada Yaashiiq, isla markaana Ninka ku hubeysnaa Bastoolada uu toogasho ku dilay Sarkaalka dowladda xili uu ku sugnaa halkaas.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xiddigle Xasan Ceefow oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga, waxaana rasaasta looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa, iyadoona ugu dambeyntii goobta uu ku geeriyooday.
Intaas kadib ruux dilka geystay ayaa isku dayay inuu goobta si deg deg ah uga baxsado, hayeeshee waxaaa isna goobta ku dilay Ciidamo kale oo ka tirsan Booliska dowladda oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.
Sidoo kale goobta falka ka dhacay ayaa waxaa laga qaaday Meydka Askariga dowladda iyo Ninkii ku hubeysnaa Bastoolado ee falka u geystay oo isna toogasho lagu dilay.
Dilalka qorsheysan oo ay geysanaa raga dhalinyarada ah eek u hubeysan Bastooladaha ayaa maalmihii la soo dhaafay kusoo badanayay Magaalada Muqdisho, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay Magaalada lagu dilay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka, hayeeshee waxaa mid kamid ah ragii fuliyay falkaas la dilay, halka kuwo kalena la qabtay.