Sawirro:-Rabshado weli ka socda Magalada Baydhabo

Waxaa Maalintii labaad Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka socda banaanbaxyo rabshado wata oo ay inta badan dhigayaan taageerayaasha Muqtaar Roobow oo shalay dowladda Soomaaliya ay xirtay.

Banaanbaxyada ka socda Magalada Baydhabo ayaa sababay dhimashada Xildhibaan ka tirsan Koonfur Galbeed,iyada oo mararka qaar rasaas la maqlayo.

Dhammaan goobaha Ganacsiga Magalada Baydhabo ayaa xiran,waxaana dadku ay yihiin kuwo Wadooyinka waaweyn ku gubay Taayaro,isla markaana Magalada dhan ah tahay mid laga dareemayo.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono xaalka Magalada Baydhabo,hayeeshee,waxaa sidoo kale Baydhabo ku sugan Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Soomalaiya iyo kuwa Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor