Dhageyso:-Kusimaha Madaxweynaha KGS oo dalbaday in laga hortago rabshadaha ka socda Baydhabo

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Shariif Sheekhunaa Maye ayaa ka hadlay banaanbaxyada rabshadaha wata oo Maalintii labaad ka socda Magalada Baydhabo.

Shir Jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay xafiiskiisa ayuu sheegay in rabshadahaas ay sababi karaan dhimashada dad badan,khasaaro hantiyadeed iyo waliba dhibaayooyin kale,isla markaana Shacbaka looga baahan yahay inay joojiyaan.

Shacbaka ayuu ugu baaqay inay joojiyaan banaanbaxyada,lana Shaqeeyaan Maamulka,waxaana uu sheegay in Shacabka intooda wanaaga jecel ay badan yihiin,inta kale ay hartay loo baahan yahay in laga hortago.

Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor