Akhriso:-Qodobada ku jira heshiis ay kala saxiixdeen Somalia iyo Qatar

Wargeyska Gulf Times ee ka soo baxa caasimadda dalka Qatar ee Dooxa waxa uu maanta soo daabacay Heshiisyadii iyo Isfahamkii ay dowladaha Somalia iyo Qatar shalay ku wada saxiixdeen Dhismaha Amiiri Diiwaani ee magaallada Dooxa.

RW Somalia, Xasan Cali Kheyre iyo dhigiisa dalka Qadar, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Sheekh C/llaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al-thaani ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa Heshiisyada iyo Isfahamka labada dhinac.

Wargeyska Gulf Times waxa uu soo qoray inay Somalia iyo Qatar kala saxiixdeen 4 Heshiis iyo 4 Isfaham ah.

Qoddobadda ugu waa weyn Heshiiska waxaa ka mid ah:-

Maalgashiga Gaadiidka Badda, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Iskaashiga Farsamo.

Dhinaca kale, Heshiiska Isfahamka ee ay dowladaha Somalia iyo Qatar kala saxiixdeen waxaa ka mid ah:-

Iskaashiga Dekedaha, Iskaashiga Machadyada Diplomaasiyada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar iyo Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia.

Qoddobada Heshiiska Isfahamka labada Dowladood waxaa kaloo ka mid ah Iskaashiga Siyaasadda iyo La-tashiga Wasaaradaha Arrimaha Dibedda ee Qatar iyo Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor