Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo isaga oo u kuur-galay xaaladda ammaanka.
Nuuradiin Gacma oo ah afhayeenka madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in , Micheal Keating uu Baydhabo kula kulmay ku-simaha madaxweynaha maamulka ahna wasiirka amniga Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) waxaa kale uu tagay saldhigga dhexe isaga oo halkaasi ku qaabisay taliyaha saldhigga Dhiig Birig, warbixinna ka dhageystay.
Dhinaca kale, Keating waxaa uu booqday saldhigga tababarka ee ciidamada UK ka filiyeen duleedka Airportiga Baydhabo, waxaa uu warbixin ka dhageystay heerka uu dhismaha marayo, waxaa uu sidoo kale soo arkey ceelal riigag ah oo halkaasi ka qodeen hey’adaha qaramada midoobey, isaga oo intaasi kadib dib ugu soo laabtay  Muqdisho.
Hoos Ka Daawo Sawiirada