Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay inay Dagaalamyaal ka tirsan Alshabaab maanta toogasho ku dileen Askartaasi oo ku sugnaa Kaniisad ku taalla Deegaanka Likunda oo dhanka Koonfurra kaga toosan magaalladda Mombasa.
Taliyaha Boliska Gobalka, Larry Kiyeng oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inay 4 ka tirsan Dagaalamyaasha Alshabaab geysteen weerarkaasi, isla markaana ay qaateen 2-dii qori ee ay lahaayeen Askartii la dilay, ka hor intaysan ku baxsanin mooto, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Mid ka mid ah Askarta waxaa laga toogtay madaxa, wuxuuna ku geeriyooday isla goobta, halka Askariga 2-aad uu ku geeriyooday Isbitaalka†ayuu yiri Taliyahaasi.