Kooxo hubeysan oo Goordhow Dil ka geystay Muqdisho

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa Goordhow Askari ka tirsan Booliska dowladdda Federaalka waxaa ay ku dileen agagaarka Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobta uu falka ka dhacayka Agdhawaa ayaa soo sheegaya in Askariga Booliska ahaa la toogtay xili uu ku sugna Isgoyska Baar Ubax, isagoona u dhintay rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.

Kooxihii  ka dambeeyay dilka Askariga ayaa goobta ka baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo ku sugnaa meel aan sidaas ugu fogeyn Isgoyska Baar Ubax.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Askarta ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka iyo dadka shacab ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media