Maamulka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in Cutubyo katirsan Ciidanka Darawiishta Jubbaland u dirtay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.
Ciidankan oo ku hubaysan gadiidka dagaalka ayaa Xalay ku biiray Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee ku sugan Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo,iyaga oo fariisimo cusub ka sameystay halkaas.
Hay’adaha amaanka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay Xasilooni iyo daganaansho kusoo dabaali doonan deegaanadan oo maalmahii lasoo dhaafay ay ka jirtay rabshado iyo falal amaanka lid ku ah.
Ciidanka oo ka baxay magaalada Dhoobley ayaa sii maray deegaannada Diif, Gariiley, Ceel-Waaq kadibna waxay si nabad ah ku gaareen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo si ay ugu biiraan ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo.
Ciidamadaan ay Jubbaland ay geysay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan iyada oo xiisad u dhaxeysa dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.