Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Sh/dhexe

Wararka Idacada dalsan ee magalada Muqdisho ay ka heleyso deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay dagaal gesytay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe waxaana uu u dhaxeeyay ciidamo ka wadatirsan Milatariga Soomaaliya kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkaan waxaana la xaqiijiyay iin ay ku dhinteen ku dhawaad 5-ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah iyo dhinacyada dagaalamay,waxaana saakay degan deegaanka uu dagaalku ka dhacay.

Dhinaca kalana maamulka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda fedraalku wax war ah kama aysann soo saarin dagaalkaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh mana jirta ilaa iyo haatan cid ku baxday in kasta oo xaaladda deegaanku ay tahay mid degan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media