Guddoomiyihii hore ee Ahlusunna ugu magacaawnaa Dhuusamareeb iyo xubno kale oo la xiray

Wararka ka imaanay magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegay in halkaasi lagu xiray masuuliyiin ka tirsan Ahlu-sunna Wal-jamaaca oo uu ku jiro guddoomiyihii hore ee ahlusunna ugu magacawnaa Dhuusamareeb.

Ilo wareeyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in magaalada Dhuusamareeb lagu xiray guddoomiyihii ahlusnna ugu magacawnaa Dhuusamareeb Axmed Walad Cabdalla iyo xubno kale oo xiligaas ay wada joogeen.

Masuuliyiintaan lagu xiray magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay in ay kasoo baxeen xarunta Inji oo ay deganyihiin hogaanka maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca,waxaana xarigoodu uu yimid kadib markii horay loogu amray in ay yareeyaan dhaq-dhaqaaqyadooda magalada.

Amar horay uga soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ee ku sugan Dhuusamar ayaa lagu faray xubnahaas in ay joojiyaan dhaq-dhaqaaqa faraha bada ee magaalada dhexdeeda ah taas oo al sheegay in ay ka biya diiden sidaasna lagu xiray.

Masuuliyiinta sare ee Ahlusunna Wal-jamaaca ilaa iyo haatan wax war ah kama aysan soosaarin go’aanka ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ay ugu xireen guddoomiyihii hore ee Ahlusunna ugu magacawnaa magaalada Dhuusa mareeb.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media