Sawirro:-Itoobiyaan Airline oo Dullimaad toos ah ka Bilowday Puntland  

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daahfuray duulimaadyada shirkadda caalamiga ah ee Itoobiyaan Airline.

Daahfurka duulimaadyada shirkaddaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland, Ku-xigeenka Madaxa shirkadda Itoobiyaan Airline iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in daahfurka duulimaadyada caalamiga ah ee Itoobiyaan Airline ay tahay guul u soo hoyatay Puntland, waxaa uu hoosta ka xariiqay in guushaasi ku hirgashay isku duubnida shacabka iyo Puntland.

“Waxaan maanta joognaa Garoonka Diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir Garoowe oo ay astayntiisu soo bilaabatay xilligii Madaxweyneyaashii hore ee Puntland iyo Aniga, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Golaha Xukuumadduna waxaanu ku guulaysanay duulimaadkii ugu horeeyey oo caalami ah inaan hirgelino maadaama uu garoonkani yahay mid caalami ah, waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo kasoo qayb qaadatay oo ay ugu horeeyaan madaxda shirkadda Itoobiyaan Airline”.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland Soomaaliya inteeda kale uga duwan tahay hogaanka suuban, waxa uu ka digay in dhallinyarada si qaldan loo adeegsado, Puntlandna aanay cidna ka ogolaanayn inay nidaamkeeda burburiyaan.

“Puntland hogaanka ayey uga duwan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxaan ka digayaa dadka daneynaya in ay bulshada hogaankeeda wiiqaan oo dhallinyarada ku kiciyaan, waxaan qirayaa in ninkii sameeyey Heesta ‘Ku dayo Puntland’ uu wax wanaagsan sameeyey, waxaan leeyahay nagu dayda”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media