Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa lagu qabtay kulan ku saabsan kor u qaadida tayada waxbarashada iyadoo ay ka qeyb galeen xubno ka socda bahda waxbarashada iyo xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Kulankan oo socday muddo labo maalin ah iyadoo ka qeyb galayaasha ay ka doodeen qaabka lagu horumarin karo tayada waxbarashada dalka.
Hay’adda EFASOM ayaa soo qaban qaabisay tababarkan waxana ka qeyb galay 30 ruux oo kala socda bahda waxbarashada, waalidiin. Macalimiin iyo xubno ka socda maamulka Hirshabeelle.
Guddoomiyaha degmada Jowhar ee gobolka shabeellaha dhexe Mudane Cisman Maxamed Muqtaar (Cismaan Baarey) ayaa kula dardaarmay xubnaha ka qeyb galay kulankan inay bulshada inteeda kale la wadaagan waxyabaha ay ku barteen mudadii labada maalin ee barnaamikan socday.
Wuxuu sheegay inoo soo dhaweynaayo wasaaradda Waxbarshada ee Hirshabelle iyo hay’adda EFASOM ee qabanqaabisay kulankaan looga hadlaayo sare u qaadid tayada waxbarshada islamarkaana loo baahan yahay wixii ka soo baxo kulankaan inaad la wadaagtaan walaalaha kale ee aan fursada u helin mida kale waxaana filayaa in labada maalmood wax badan ayaa kasoo bixi doona insha Allah, wixii kasoo baxana waxaan filaa in aad la wadaagtaan Wasaaradda Waxbarshada dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo dhaliinyarada Isbortiga ee dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Muumin Tuure Cabdullaahi ayaa sheegay in tayada waxbarashada kor loo qaadi karo hadii la helo, Saacadaha waxabarashada, Macallin fiican, Goob Fiican, Muqarar tayo leh iyo Jadwal shaqo.
wasiir ku xigeenka wuxuu u mahadceliyey hay’adda EFASOM iyo kasoo qeyb galayaasha Madasha, wasiirka wuxuu soo qaaday in tayada waxbarshada waxyaabo badan ay hoos imaanaayo sida:
- Saacadaha waxabarashada
- Macallin fiican
- Goob Fiican
- Muqarar tayo leh
- Jadwal shaqo IWM.
Wuxuu soo hadal qaaday wasiirka in wasaarada ay leedahay macallimiin Mushaari ah ee Dowlad goboleedka Hirshabelle, kuwaasoo qaatay mushaarkooodii ugu horeeyay Wuxuu sheegay in manhajka fasalka koowaad iyo afaraad ay wasaaradda diyaarisay, waxaa dhiman kaliya qeybintiisa taasoo ku xiran inla helo tiro koobka ardada oo sax ah.
Wasaaradda waxa u qorsheysan in November, 2018 horaanteeda ay bilowdo nidaamka qaadashada macallimiin gaaraayo 300 macallin intaa kadib wasiirka wuxuu yiri madashaan si rasmi ah ayey inoogu furan tahay.
Cisman Maxamed Nuur oo ah xubin ka mid Dallada Waxbarashada Shabelle oo ah Dallad ka howlgasha Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuu yiri, manhajkeena wuxuu ahaa manhajka ugu fiican manaahijta Afrika, in kastoo dib u dhac badan jiro xilligii dowlad dhexe la’aanta, hadana sidii hore ma nihin,
In laga hadlaa tayada waxbarashada aad bey u fiican tahay waana mid loo baahnaa wuxuu u mahad celiyey dhammaan ka qeyb galayaasha , hayadda soo qababqaabisay ee EFASOM iyo Wasaaradda Waxbarshada iyo Dhalinyarada Isportiga ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Intaa kadib waxaa bilaabaatay doodii ku saabsaneed Sare u qaadid tayada waxbarashada dugsiyadda waxaan loo kala saaray ka qeybaglayaasha 3 kooxood koox kastana waxaa loo dhiibay su’aalo si ay jawaab uga soo bixiyaan waxayna u dhacday shaqo Kooxeedkii sidatan:-
MAALINTA 1AAD
Kooxda 1aad:
waxay ka doodeen su’aasha ah, waa maxay caqabadaha hortaagan tayada waxbarashada ee Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo sare ee Deegaanada Hirshabelle?
Qodobada doodda kasoo baxay waxay kala yihiin sidatan:
- Manhajka oo aan mideysneyn, sida buugaagta iyo luqadda wax lagu dhigaayo
- Dhiirio gelin la’aan iyo tababar macalimiin la’aan.
- Agab waxbarasho oo aan jirin sida Laab IWM
- Amni Xumo
- Waxbarashada oo lacag ah.
- Higsi la’aan
- Qaar ka mid goobaha waxbarashada oo aan ku habooneyn waxbarasho.
- Xiriir la’aan ka jirto Dugsiyada.
Talo soo jeedinta wax laga qaban karo caqabadahaas
- In la helo luqadda wax lagu dhigaayo oo ku mideysan afka hooyo.
- In la helo mushaar ku filan macallinka iyo tababaro macallin oo joogto ah
- In la helo agab waxbarasho oo dhan waliba ah
- In la helo amni iyo goobo amni ah oo wax lagu barto dalka oo dhan.
- In waxbarashada dalka ay noqoto mid lacag la’aan.
- In la helo meel uu hiigsado ardayga haddii uu wax barto sida fursado shaqo.
- In la helo goobo waxbarasho oo ku habboon waxabarshada sida Musqulo, Kuraas, Miisas IWM.
- In xiriir yeeshaan dugsiyada oo dhan si loo xakameeyo beddelka ardada joogtada ah.
Kooxda 2aad:
Sidee lagu horumarin karaa tayada waxbarashada ee Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo sare ee Deegaanada Hirshabelle?
- In la helo system ama qaab dhismeed mideysan kaasoo ah manhaj mideysan oo Soomaali ah.
- Waa in macallimiinta mushaaar joogto ah loo helaa iyo tababar joogto ah.
- Waa in waalidiinta iyo macallimiinta wada shaqeyn joogto ah yeeshaan.
- Waa in waxbarashada lix maalin oo joogto ah socotaa.
- Xisaddu waa inay noqotaa 45 daqiiqo.
- Macallinku waa inuu lahaadaa cashar diyaarin, laga hubiyo subax waliba, gaar ahaan xafiiska maamulka.
- Waa in xiriir joogta ah ka dhaxeeyaa maamulayaasha dugsiyada si loo hubiyo akhlaaqda ardayda.
- Waa in loo helaa ardada dugsiga sare sheybaar ama lab.
- Waa in waxbarshada laga dhigaa lacag la’aan.
Kooxda 3aad:
Sidee waxbarashada looga dhigi karaa mid dhammaan carruurta ay u siman yihiin si aan heyb sooc laheyn, mid ladan, mid sabool ah, mid naafo ah, gabar iyo wiil?
- In wacyegelin loo sameeyo bulshada si loo helo arday mideysan laguna dhiiro geliyo waxbarashada iyo wax tarkeeda loona gaaro mustaqbal wanaagsan
- In waxbarsho lacag la’aan loo helo ardada.
- In loo sameeyo guddi waxbarasho oo kormeera habsami u socodka hannaanka waxbarashada.
- In loo helo manhaj mideysan oo dhaqan gala.
- In loo helo dhar mideysan oo ka tarjumaayo sinnaanta ardayda, laguna ilaaliyo.
- In arday waliba soo jeedin karo fikirkiisa si uu u muujiyo waxa uu tabanaayo.
- In loo helo caddaalad si ay u gaaraan hadafkooda oo aan heyb sooc laheyn.
- Maadaama saboolnimo jirto, haddii loo heli karo quudin kafaalo qaada ardayga lagana helaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
MAALINTA 2AAD
Kooxda 1aad:
waxay ka doodeen su’aasha ah, waa maxay caqabadaha hortaagan tayada waxbarashada ee Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo sare ee Deegaanada Hirshabelle?
Qodobada doodda kasoo baxay waxay kala yihiin sidatan:
1 Manhajka oo aan mideysneyn, sida buugaagta iyo luqadda wax lagu dhigaayo
- Dhiirio gelin la’aan iyo tababar macalimiin la’aan.
- Agab waxbarasho oo aan jirin sida Laab IWM
- Amni Xumo
- Waxbarashada oo lacag ah.
- Higsi la’aan
- Qaar ka mid goobaha waxbarashada oo aan ku habooneyn waxbarasho.
- Xiriir la’aan ka jirto Dugsiyada.