Kulan ay xalay magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ay ku yeesheen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed waxa ay eedyen u jeediyeen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanadaan oo gaarayaya ku dhawaad 30 ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu faragelin toos ah ku haayo doorashada dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali ayaa sheegay in Madaxweynaha uu fargelin ku haayo doorashada,isla markaana dadka qaarkood u diiday inay isas—sharaxaan halka kuwo kale uu taageerayo,isla markaana Baydhabo loo geeyay Gawaari aan xabada Karin.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in lacagta lagu qarash gareeynayo Musharixiinta Dowladda wadatao lagu qiyaasay 2.8 Milyan oo doolar.
“Dadka soomaaliyeed hadda kadib ha iska iloobaan in xafiisyada Madaxda Sare ee dowladda musuq maasuq ka fog yihiin iyaga ayaa bilaabay,miisaaniyadii dowladda ayaa Shaqsiyaad lagu maalgelinayaa,sidoo kale gawaari qalqal geliyaya amniga baydhabo la geeyay.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali in hadii ay sii socoto faragelintaas ay sababai karto in xilka Madaxweynaha ay dib u eegis ku sameeyaan codna loo qaado,isla markaana uu xilkiisa ku waayo.
Dhinaca kale Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka mid ahaa xildhibaanada kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in Madaxweynaha uu jebiyay Dastuurka dalka,isla markaana lacag fidno wadato uu geeyay Magalada Baydhabo si musharixiinta dowladda wadato loogu fangareeyo.
Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ayaa hataan waxaa uu saameeyay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaas oo u muuqda kuwo dowladda federaalka ku eedeynaya inay khilaafka mas’uul ka tahay.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Xildhibaanada.