Sarkaal dilay Xaaskiisii hore oo la xukumay

Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay.

Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax   ayaa  horey u ahaa qoys balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas iyo Doolow oo u deganaa ehelkeeda.

Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guursatay nin kale, Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay.

Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi).

Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid  ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen  soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baarista  dambiyada ee CID.

Baaristooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta  in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali.

Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta  5- bishan aynu ku jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda.

Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, markhaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada.

Laba xidigle  Ismaaciil Salaad Maxamed oo kamid ah xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanaha uu u bareeray dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, waxa uu sidoo kale fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu dadaal badan geliyay dilka Marxuumadda.

Qareenada u doodayay eedeysnayaha ayaa weydiistay Garsoor in loo naxariisto eedeysanaha maadaama uu jiray rabitaan uu u qabay xaaskiisii hore.

Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lagu xukumo Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali  dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.

Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor