Wararkii u dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada Maanta ay tahay mid degan kadib dagaal shalay ka dhacay.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo kuwada sugan degmada Walaweyn,waxaana dadka degmada ay sheegeen in dagaalka uu markii hore ka so bilaawday tuulooyin hoostaga degmada Walaweyn.
Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Walaweyn oo ahaa mid goos goos ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen ilaa 4 ruux oo Shacab ah,waxaana sidoo kale shalay xirnaa oo aan Shaqeyn Suuqa degmada Walaweyn.
Maamulka degmada Walaweyn weli kama hadlin dagaal beeleedka ka bilaawday degmdaas,waxana Wararka qaar aan heleyno ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay kala dhex galeen.