Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in uu dab ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taalla Mid ka mid ah Xaafadaha Magaaladaasi Boosaaso.
Debkaan oo aan weli la ogeyn waxyaabaha sababay ayaa qabsaday Kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla Xaafada lagu Magacaabo New Boosaaso gaar ahaan laanta Afar-Irdoodka.
Waxaa la sheegay in debka uu markii hore ka bilaawday Kaalin Magaceeda loo soo gaabiyay CCC,isla markaana khasaaro hantiyeed uu geestay.
Debka ayaa weli Goobo horelah ku sii faafaya waxaana sidoo kale socda gurmadyo kala duwan oo ay wadaan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Boosaaso ee Puntland.
Sidoo kale Shacabka ayaa iyana dhankooda waxa ay wadaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen deminta debkaas.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Debka