Duhurnimadii Maanta ayaa tiro hoobiyeyaal ah waxaa lagu weeraray Xarunta Qaramada Midoobay ay ku dhex leedahay Xerada Xalane ee Magalada Muqdisho.
Madaafiicta oo tiro ahaan lagu sheegay ilaa Afar ayaa qaar ka mid ah waxa ay ku dhaceen Xarunta Qaramada Midoobay,waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac ah iyo burbur hantiyadeed.
Laba ruux oo ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda Qaramada Miboobay ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen,waxaana sidoo sawirro laga soo qaaday la arkayay Qol ka mid ah burburka Xafiiska Qaramada Midoobay.
Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday Xerada Xalane,waxaana ay sheegeen inay ku garaaceen ilaa 7 madfac,balse ma shaacin khasaaraha ka dhashay.