Sawirro:-Ciidanka amniga oo xalay howlgal ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgalo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa howlgalka ka sameeyay xaafado badan oo ku yaalla Muqdisho,isla markaana howlgalkaas ku baarayay guri guri.

Sidoo kale Ciidamada ayaa baaritaano xoogan ku sameeynayay dadka iyo gaadiidka isticmaalaya Wadooyinka qaar,waxaana la weeydiinayay Su’aallo ku aadan dhanka amniga.

Howlgalkaan ayaa waxa uu daba socdaa hadal habeen kahor uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow),kaasi oo ku aadanaa in Magaalada Muqdisho laga bilaabi doono howlgalo culus oo ka duwan kuwii hore looga sameeyn jiray Caasimadda,iyadoona lagu xaqiijinayo amniga.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka la keenay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kadib markii ay muddooyinkii dambe Magaalada ay ka dhaceen qaraxyo khasaaro Nafeed geystay, mid hantiyadeed iyo dilal qorsheysan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media