Madaxweyne Farmaajo oo Maanta furaya Kal-fadhiga 5-aad ee Aqalka Sare

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta waxaa la filayaa in uu si rasmi ah u furo Kal-fadhiga 5-aad ee Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kal-fadhiga 5-aad ee Aqalka sare ee dalka  ayaa waxaa lagu waday in uu furmo 16-ka Bishii maarso ee sanadkan ,hayeeshee waxaa ku yimid dib u dhac ,balse Maanta ayaa lagu wadaa in uu furmo.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa muddooyinkii dambe fasax ku jiray,waxaana ay galeen markii uu xirmay kalfadhigii 4-aad ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneeysa ka jeedin doono Munaasabadda Furitaanka,waxaana ka qeyb geli doona Madax kale oo ka tirsan dowladda.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana labada Baarlamaan haatan ka dhex jira Khilaaf.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media