Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta oo baaqday iyo Sababta oo la shaaciyay

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu waday in Magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan kulankadii labaad ee Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha,hayeeshee waa uu baaqday.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa saakay lagu wargeliyay in kulankii Maanta oo isniin ah ee loo balansanaa in uu baaqday,isla markaana uu u baaqay sababo xaqiijin guntin (kooram) Awgeed.

Waa kulankii labaad ee todobaadkan ay yeelan lahayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka oo baaqdo tan iyo markii uu Madaxweyne Farmaajo Arbacadii la soo dhaafay uu si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajendaha kulankii  Maanta ayaa ahaa labo qodob oo kala ah.

Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Warbixinta guddiga dib u eegista dastuurka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media