Maanta ayaa waxaa tababar loogu soo xiray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Ciidamo isku-dhaf ah oo ka qeyb qaadan doona Nabada Magaalada Gaalkacyo.
Ciidamadaan oo ah kuwo laga soo kala xulay Maamulada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa gaaraya ilaa 200 oo Askari wallow markii hore ay ahaayeen 50 balse markii dambe lagu kordhiyay 150 kale.
Masuuliyiinta dhanka Nabadgelyada ee Gobolka Mudug oo ka qeyb galay munaasabada tababarka loogu soo xirayay Ciidamada ayaa soo dhaweeyay talaabadaan iyaga oo sheegay in ay wax badan ka beeli doonaan amniga Gobolka.
Si kastaba talaabadaan Maanta tababarka loogu soo xiray Ciidamo ka qeyb qaadan doona Nabada Gobolka Mudug ayaa imaanaya xili Saacadihii la soo dhaafay ay dagaal beeleedyo ka dhaceen deegaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.