Siyaasiyiinta Madaxda ka ah 54-ka Waddan ee Qaaradda Afrika ayaa waxaa ku yar Madaxweyne nadiif ka ah Booli-Qaran, mana jirto Awood Sharci oo la xisaabtami karta Madaxda ku takri-fasha Hantida Qaranka.
Qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ma aha kuwo Awood badan oo keeliya leh, balse waxay noqdaan Taajiriin ku naaxa Hantida Qaranka.
Siyaasiyiinta ku naaxa Hantida Afrika ayaa waxaa looga baahan yahay inay aad uga fekeraan Caalami ahaan.
Siyaasiyiinta Taajiriinta noqday waxaa ku hoos nool dad sabool ah, oo Dakhligooda maalintiiba ka hooseeyo 2 Dollar.
Halkan ka akhriso 15-ka Madaxweyne ee ugu mushaarka sarreeya, sida laga soo xigtay JeuneAfrique and MyWage.
- Madaxweynaha Koonfurta Afrika, Jacob Zuma waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 272,000 oo Dollar.
- Madaxweynaha dalka Algeria, Abdelaziz Bouteflika, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 168,000 oo Dollar.
- Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 132,000 oo Dollar.
- Madaxweynaha Jesiiradda Comoros, Ikililou Dhoinine, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 115,000 oo Dollar.
- Madaxweynaha dalka Kongo, Denis Sassou Nguesso, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 110,000 oo Dollar.
- Madaxweynaha dalka Namibia, Hifikepunye Pohamba, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 110,000 oo Dollar.
- Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka Libya, Ali Zeidan, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 105,000 Dollar.
- Madaxweynaha dalka Ivory Coast Alassane Ouattara, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 100,000 oo Dollar.
- Madaxweynaha dalka Liberia, Ellen Johnson Sirleaf, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaadataa 90,000 oo Dollar.
- Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaadataa 85,000 oo Dollar.
- Madaxweynaha dalka Ghana, John Dramani Mahama, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa $76,000 Dollar.
- Madaxweynaha dalka Masar, Abdel-Fattah El-Sisi, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaadataa 70,400 oo Dollar.
- Madaxweynaha dalka Angola, José Eduardo dos Santos, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaadataa 60,000 oo Dollar.
- Madaxweynaha dalka Zambia, Guy Scott, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaadataa 65,000 per year)
- Madaxweynaha dalka Gabon, Ali Bongo Ondimba, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaadataa 65,000 oo Dollar.
WQ. Abukar Dayax & Xasan Istiila
©Radio Dalsan