Madaxweynaha oo ku bogaadiyay dowlad-goboleedyada tallaabada ay ku soo gudbiyeen liiska musharixiinta Aqalka Sare.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku bogaadiyay dowlad goboleedyada Puntland, Koonfuur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, tallaabada ay ku soo gudbiyeen liisaska musharixiinta Aqalka Sare ee doorashada 2016-ka.

“Sidaan horay u sheegay waxaa mar walba madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka go’an inay fududeeyaan qabsoomidda doprashooyinka 2916-ka. Waxaa tallabadan ay qaadeen madaxda dowlad goboleedyada ee ay ku soo gudbiyeen liiska musharixiinta Aqalka Sare ay dhiirigelinaysaa in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talagaley’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay soo gudbinta liisaska ka sokow loo baahan yahay in la dhaqan-geliyo qoondada haweenka ee boqolkiiba soddon ay ku leeyihiin labada aqal.

“Waxaan baarlamaanada sharafta leh ee dowlad goboleedyada ka codsanayaa in marka ay u codeynayaan xubnahan ay tixgeliyaan in la helo qoondada haweenka ay ku leeyihiin Aqalka Sare. Waxaan qof walba xusuusinayaa in qoondada haweenka ay ku timid go’aan siyaasadeed oo heer qaran ah , ayna tahay in sidii loogu talagaley loo fuliyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqey guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federaal inay dar-dargeliyaan hawlaha lagu xaqiijinayo doorashada 2016, isagoo dhanka kalena ugu baaqey hay’adaha kale duwan ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada inay hawlaha doorashada si hufan uga qaataan kaalinta kaga aaddan.

——————————-DHAMMAAD—————————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Somalia
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor