Ra’isul-wasaare Hailemariam Desalegn ayaa maanta ku dhawaaqay in dalka Ethiopia lagu soo rogay Xukun Degdeg ah (a state of emergency), kadib, markii ay labadii bilood ee la soo dhaafay dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo Dowladda.
Dibadbaxyadda ugu ballaaran waxay ka dhaceen Deegaanadda ay ku xooggan yihiin Qowmiyadda Oromia, kuwaasi oo Kacdoon xooggan kala soo horjeedo Dowladda Federalka ee Ethiopia.
Ra’isul-wasaaraha oo ka hadlay Telefishinka Dowladda Ethiopia ayaa sheegay in Xukunka Degdegga loo soo rogay si looga hortago xaalladda cabsida ee ka dhanka ah Dadka iyo Dalka Ethiopia.
Warbaahinta Gudaha ee Ethiopia ayaa sheegay inuu Xukunka Degdegga socon doono muddo 6 bilood ah, waana markii ugu horreysay ee Xukun Degdegga ah lagu soo rogo dalkaasi muddo 25-sanno.
Mar sii horreysay ee maanta, Idaacadda Dowladda Ethiopa eayaa sheegtay in Xukunka Degdegga looga dan leeyahay in laga hortago Kooxaha ka soo horjeeda Nabadda ee Isbahaysiga la leh Ciiddamo shisheeye, kuwaasi oo carqaladaynayo Nabadda iyo Ammaanka Ethiopia.
Dibadbaxyadda looga soo horjeedo Dowladda Ethiopia ayaa waxay bishii November ka bilowdeen Kooxaha ka soo jeeda Qowmiyadda Oromo oo ah Qabiilka 2-aad ee ugu tirada badan Qabaa’illada ku nool Ethiopia.
Ciiddanka Ammaanka ee Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay inay ugu yaraan 500 qof ku dileen Dibadbaxyadii bilowday bishii November ee sannadkii hore.
dibadbax kale oo bishan October 2-dii ka dhacay Gobalka Oramia waxay Ciiddanka Ammaanka ku dileen in ka badan 100 qof, inkastoo ay Dowladda Ethiopia sheegtay in rabshadahaasi lagu dilay 55 qof.
©Radio Dalsan