• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 8, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Hoggaamiyayaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka oo loogu baaqay  inay ka hor tagaan si aan Hantida Qaranka loogu adeegsanin Hawlaha Doorashadda.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 21, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

War-saxaafadeed ay si Wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD, Dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain iyo Dowladda Maraykanka ayaa ugu horreyn ku baaqay in xubnaha Madasha Hoggaanka Qaran ay ka hortagaan cabashooyinka ka imaanaya hannaanka doorashada.

War-saxaafadeedka waxaa lagu yiri “Saaxiibada Beesha caalamku waxay hay’adaha Soomaaliyeed iyo gaar ahaan guddiyada doorashada ee gaarka ah ee dalku leeyahay ugu hambalyeynayaan horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray doorashada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ee soo socda. Codeyn ayaa loo qabtay 43-kursi ee 54-ka kursi ee Aqalka Sare ee baarlamaanka. Waxaa sidoo kale la qabtay doorashada 112 kursi ee 275ka kursi ee Golaha Shacabka”.

Beesha Caalamka ayaa ku taliyey in Barlamaanka cusub iyo dowladda federaalka ee soo socota loo soo doorto si waafaqsan xeerarka ay dejisay Madasha Hoggaanka Qaran ayna hirgeliyaan Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadba (GFHDD) iyo Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelinta Doorashada Dadba (GDGHDD). Sharciyadda iyo xalaalnimada dhabta ah iyo sida loo arko hannaanka ayaa muhim u ah in la aqbali karo lagu kalsoonaan karo Barlamaanka iyo dowladda federaalka ee soo socota.

Muhimadda ay leedahay shaqada Hannaanka Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (HXKHDD) oo dib u eegid ku sameynaya cabashooyin badan ee ka soo gaara musharaxiinta diiwaangashan si ay qof qof ugu qiimeeyaan in la rumeysan karo cabashooyinkooda, ayay Beesha caalamku hoosta ka xariiqday. Waxay sidoo kale aqoonsan tahay kaalinta mugga leh ee ay Odey dhaqameedyo badan ka cayaarayaan xallinta khilaafaadka u dhexeeya Beesha dhexdeeda.

“Saaxiibada caalamku waxay sii wadaan inay walaacooda la wadaagaan madaxda ku habboon oo ay kamid yihiin madaxweynayaasha maamul-goboleedyada” ayaa Warsaxaafadeedka lagu yiri. Waxayna Beesha Caalamku muujiyeen sida buuxda ee ay u taageerayaan go’aanada ay guddiyada GFHDD iyo HXKHDD ku hakiyeen codaynta kursi gaar ah ama reebid musharax guulaystay iyadoo loo cuskanayo caddayn buuxda oo xaqiijinaysa cabasho wax isdabamarin halis ah oo la xiriirta geedi-socodka doorashada.

Waxay ku boorrinayaan GFHDD iyo GDGHDD inay u hogaansanaadaan waajibaadyadooda shaqo iyagoo u danaynaya daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka. GDGHDD waa inay waqtiga loogu talagalay usoo gudbiyaan GFHDD liisaska ergada iyo musharaxiinta, qoondada kuraasta u gaarka ah musharaxiinta haweenka ah iyo natiijada codbixinta hordhaca ah. GFHDD waa inuu daabacaa liisaska musharaxiinta baarlamaanka uuna u faafiyaa si ballaaran.

“Geedi-socodkan doorasho wuxuu u socdaa si aad uga wanaagsan sidi dad badan ay saadaalinayeen saddex ama lix bilood kahor. Arrinta waxaa ka dhalan kara cawaaqib aad u xun haddii dhacdooyin ku-takrifal, sharci jebin iyo anshax xumo ah ay dhaawacaan wax haddii la hagaajiyo noqon lahaa guul ballaaran,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Waxaa lagama maarmaan ah in HXKHDD uu baaritaan ku sameeyo warbixinnada lagu kalsoonaan karo ee ku saabsan ku-xadgudubka xeerarka iyo nidaamyada geedi-socodkan, iyo in tallaabada ku habboon la qaado si loo ilaaliyo sharciyadda Geedi-socodka”

©Radio Dalsan

Previous Post

Dhageyso:Maamulka G/Hiraan oo ka hadlay Dagaalo ka dhacay B/weyne.

Next Post

Somali President demanded that no armed security be allowed around the election venues

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

July 7, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Next Post

Somali President demanded that no armed security be allowed around the election venues

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta booqasho dhiirigelin iyo dhiirrigelin qaran ah ku tegay...

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Xaaladda degmada Moqokori iyo deegaannada hoos taga ayaa saaka aad u kacsan kadib dagaallo culus oo billowday waaberigii hore ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay kulan rasmi ah...

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

MOGADISHU – In a bold move to confront the growing risks posed by the misuse of social media in Somalia, the...

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
English News

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
English News

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
English News

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
  • Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
  • Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00