Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed oo uu wehliyo Guddoomiyaha xilka Maamulka Gobalka ka degayo, Sheekh Yuusuf Jimcaale waxay manata soo kormeereen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir “Ufficio Governo” ee magaalladdan Muqdisho.
Guddoomiye Taabid waxa uu ku soo wareegay Xafiisyadda ku yaalla Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho, Waaxda Dab-damiska iyo Xarunta Dad qorista ee D.H.EE.M, iyo Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Waxa uu Warbixino ka dhegeystay Guddoomiyaha uu xilka kala wareegayo, Sheekh Yuusuf Jimcaale oo sheegay inuu Maamulku ku tallaabsaday Hawl muuqata, isla markaana ay Madaxda iyo Shaqaalaha iska kaashadaan Horumarinta Adeegyadda Bulshadda ee Gobalka Banaadir.
Dhinaca kale, Xalad lagu maamusayo Xil-wareejinta Guddoonka Maamulka Gobalka Banaadir ayaa la filyaa inay caawo ka dhacdo magaalladda Muqdisho.
©Radio Dalsan