Ilo xog-ogaal ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in Ciiddan ka tirsan Boliska oo watay Dooni ay u gurmadeen rag ay Dooni kula qalibantay Xeebta Liido.
Ciiddanka waxa u suurto-gashay inay soo badbaadiyeen 2 ka mid ah 3-dii nin ee la socotay Doonidaasi oo ay ka kireysteen Xeebta Liido.
Wararka waxay sheegayaan inay Boliska weli baadi-goobayaan ninkii kale ee Badda ku dhacay, kaasi oo aan ilaa iyo haatan lagu helin nol ama geeri midnaba.
Doonyaha Kalluumeysatada iyo Bad-quusayaal ayaa iyagana ka qeyb galay Hawlgalka la doonayo in lagu soo helo nin kale ee ay doonida kula qlibantay Badda.
Inta badan Dadka Qurbo-joogta ee ku sugan Muqdisho ayaa si aad ah u daneeeya inay ku dabaashaan ama ay Dalxiis ahaan u kireystaan Doonyaha, si ay Badda ugu soo neecaaw qaatan, mana kala cadda in Dadka la soo badbaadiyey yihiin Qurbo-joog iyo in kale.
©Radio Dalsan